Akhriso: Hadalo jaceyl ah dumarkane ay jaceyl yihiin xiliga shukaansiga.

0
tahniyad.com

Aduunyadeydu waxay ahayd mid aad u faaruq ah oo mugdi madoow ah, iyadoo dhan waxa ay u muuqatay mid aan wax macno ah ii lahaynin. Laakiin markii aan si lama filaan ah adiga kuula kulmay waxa aan dareemay sidii in cirku uu malaayiin xidigood ii iftiimiyey… waan ku jeclahay macaanto.

Waxaan ku riyoon jiray in malaa’ig ay ku soo biirto noloshayda oo ay iigu qubeyso jaceyl aan xad lahaynin. Kadib riyadii markaan ka soo toosay ayaan wajigaada quruxda badan arkay. Waxa aan xaqiiqsaday in xaqiiqdu ay ka qurux badantahay riyadii aan ku jiray. Waxaan leeyahay nasiib in aan adiga ku haysto, quruxdii aduunkaay.

Way adag tahay in la helo qof diyaar u ah inuu kula joogo adiga markastoo xaalada nolosha ay aad u liidato. Waxaan dareemayaa naxariis jaceyl in aad adiga ka mid tahay noloshayda, maxaa yeelay waan ogahay waxkastoo dhaca in aadan marnaba joojin doonin jaceylka aad ii qabto gacaliso.

Jaceylka marnaba lama cabiri karo, waase la dareemi karaa oo kaliya. Noloshayda waxaad ku rogrogtay midabada samada. Aduunyada kama rabo shey kale, ilaa inta jaceylkaada uu aniga ila jiro.

Maadaama aadanuhu uusan noolaan karin hawo la’aan, ma noolaan karo adiga la’aantaa. Waan ku jeclaan doonaa waligeey ilaa jirkayga laga waayo wax neef ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here