DHIBKAAD GEYSATAAD DHAXLI

0

Qof Walba oo dunida guudkeeda ku nool wuxuu heli Xumaan iyo Wanaag midkii uu geysto.

Ha Caadeysan dhibaateynta Dadka Noocey doonto ha ahaato ee, ha Noqon Cadaw la dagaala Horumarka shacabka Walaaladaa, Iska ilaali Xaasid ka Shaqeeya Waxyeelaynta iyo dhibaato u gaysashada Qof aan Waxba ku yeelin,Naxdin yey kugu noqon guulaha iyo isbadalada Horumarineed ee ay Sameynayaan Shaqsiyaadka Dadaala…..
ku farax Cid Walba oo guul gaarta uguna Hambalyee.

Dadka Naxariista badan ee Caawiya dhibanayaasha waa kuwo guuleysta Adduun iyo Aakhiraba, waxa ayna ku helaan adduunyada korkeeda Abaalkii ay Muteysteen, dadka oo dhana waxa ay la Jeclaadaan Horumar iyo Wanaag.

Haddii uu qofku ahaa mid dhiba dadka oo naxariis daran, Cadow, Xaasid ah oo ka Shaqeeya waxyeelada bulshada waxa uu Dhaxlaa waxa uu geystey, Xumaanta iyo Dhibka uu Xaqa u yeeshey ayuuna Hantini.

Waxaa jiri jirey Nin Sixiroow ah oo ay dhibi jirtey horumarka ay dadku sameynayaan… Waxa uuna banaanka la Taagnaa in waxa uu doono uu Sixir ku Sameyn doono, Waxa uu ku faanayey in dad dibada u dhoofi lahaa uu Sixir kaga kansalay, isaga oo dhaha
“Hebel Aniga ayaa Xujubey”
Waxa laga maqli jirey in Ganacsato horumar gaartey uu Kab gamay oo ka Cayriyey Meheradahoodii iyo in uu kuwo kale ay Guryo ku wareejiyeen Cabsida laga qabo awgeed.

Waxa uu dadka ku baadi jirey in uu dhibaato u geysan ama Lacag iyo Hanti la siiyo.

Dadka ayaa u qaybsamey kuwo ku diidey oo dhaha .

” ILLAAHEY AYAA KAAWEYN OO AAN KAA MAGAN GALNEY” iyo Kuwo uu BAAD ka qaado
Kadib marka uu tusey Dhibaatooyin uu sixir ku geystey.

Ganacsatada iyo Dukaanleyda inta uu Sixir ku sameeyo ayuu lacagaha ka qaadan jirey, waxa uu dhihi jirey

“JIN BAAN U DIRI HEBEL LACAGTA KA SOO QAADA”

Waxaa dadka yaqaana ay sheegi jireen, in dad badan uu Aakhiro u direy, sidoo kalena dad aan israbin uu isu guuriyey oo uu jaceyl dhexdhigey Marka uu quluubtooda Sixir ku badaley, arimahaasina waa kuwo Sii xayeeysiiyey oo keenay in uu dadka Baado iyaga oo kabaqaya.

Maxaa u danbeeyey Saaxirkii?!!!

Waa amar illaahey ee waxa uu ka sii badbadiyey in waxa uu rabo uu sameyn karo, markaa ayaa waxaa qabsadey in meeshii uu istaagaba uu qof duulal ku soo dago oo uu dagaal iyo Qaylo ku bilaabo, qofku rag ama Dumar midkii uu doono ha ahaado ee isaga oo aan is Ogeyn ayuu dagaal ku qaadayaa..isaga oo ku dhawaaqaya “Dila Saaxirka..saaxirka”
Magaalo aan laga aqoon marka uu ka Dego qof ama laba ayaa ay Wax ku soo degi oo qaylinaya ayaga oo sheegaya in uu yahay Saaxir dad badan qaba “Magaalada ha laga saaro ka bax Magaalada” ayuu ku qaylini qof aan Waligii arag maanta ka hor.
Waxa uu garan waayey meel uu ku noolaado iyo cid uu weheshado, goobtii uu istaagaba Ummaddii ayaa ku kacdey “Qabta saaxirka..Dila Sixiroowga”

Dhowr Magaalo ayuu uga guurey arintaa, waxa uuna Waayey Magaalo uu si degan oo qaylo li,i ah ugu noolaado, Ciriiri Nololeed ayaa la soo darsey, Waxaa loo diidey Nasashadii Sidii uu isagaba dad badan oo waashey kadib markii uu Sixrey ay magaalooyinka Socod aan nasasho laheyn ugu jiraan iyaga oo Waalan daasado, baco, iyo Qashina ku raran.

Haddii aad Ummadda Alle Abuurey Dhibto inta aan Aakhiro la gaarin ayaad Adduunka ku heli Dhaxalka aad Muteysatey.

Saaxiriinta Dadka Alle ha Ka qabto
Walaal Aaminta ha laadhifin.

Mohamed Farah Duurgal

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here