Furiinka yaa u sabab ah ma ragga misse dumarka?

0
tahniyad

Haddii su’aashaas la weydiiyo wiilasha iyo gabdhaha, intooda badan waa ay is difaacayaan oo midne ma qiranaayo jawaabta sax da ah.

Waxaan rabaa jawaabta in aan ku cabiro qiso dhaba oo wiil aan aad isku gu dhownahay iiga sheekeeyey. Wiilkaan waxa uu xaaskiisa qabay muddo ku dhow 17 sano. Waxaa u jooga caruur oo ay wada korsadaan.

Sheekada waxa uu iiga bilaabay in ay xaaskii kala tageen, markaas ayaan weydiiyey maxaa sababay, arrimaha keenay in aad kala tagtaan bal iisheeg. Wiilkaan aniga si qaasa ayaan u aqaanaa wiil ka dulqaad badan wali ma’aanan arkin.

Waxa uu iisheegay in xaaska ay noloshiisa cariiri galisay, markastane dood iyo dagaal lagu jiro. Gurriga markaan imaado waa dagaal joogto ah, waxyaabaha aan ku dagaalno ayaa waxaa ka mid ah, xushmo la’aan, aniga oo aysan ii rooneenin, markastane ay jeceshahay in ay igu qeyliso. Mararka qaar cunto iyo soo dhaween xitaa kama helo.

Maalin maalmaha kamida ayaan waxaan ku dhahay, walaaleey qarashka bishaan noo dhaqaaleey xoogaa cariiri ah ayaa jira. Intaas markaan dhahay ayey ooyin iyo qeylo isku dartay, ilaa arintaan ay gaarsiiso tolkeeda, la iskuna soo baxay, Aniga waxaan tolkeedii ku iri orda bal iyada soo dhageysta waxa ay tabaneesane iisoo sheega.

Maalintii danbe ayaa la iiyimid oo la igu soo wargaliyey in aan gabadha bal u dulqaato, maadaama aysan jirin wax ficil ah oo aan ku sameeyey.

Waxaan ku iri haye, markaas ayey soo booday oo tiri ma jirto, ani waxaan rabaa in ninkaan iska kay furo uu ifasaxo. Tolkeedii ayaa ku yiri waxaas ma jiraan, maandhoow gurigaada dhaqo. Iyadoo meesha wali la fadhiyo ayey dhahday hadii uusan u fureenin waa in waxa aan rabo uu iisameeyaa. Waxaa la weydiiyey maxaa rabtaa?

Waxa ay dhahday waxa aan rabaa in uu la wareego, waxkastoo qarash ah oo guriga kubaxa, sidoo kalane aniga uu isiiyo lacag gooni ah, wixii aan ani shaqeystane sooma faragashan karo.

Wiilkii waxa uu dhahay waan ogolahay waan u sameynaa waxkastooy rabto ilaa aan aniga deyn joogta ah bilkasta aan galo. Waxaan weydiiyey war heedhe sidaas maxaa u yeeshay? Waxa uu igu dhahay aboowoow waxa is lahaa bal waa in ay isbadashaa oo ay soo labataa gurigeeda si fiican u dhaqataa, Sidii ayaan sameeyey bilkasta lacag ayaan miiska u saari jiray. Maalinkii danbe ayaan waayey wax is badel ah. Kadib waxaan si tartiib ah ula baxay dharkaygii iyo alaabtaydii?

Anoo sii wato ayey aragtay oo tiri xagee u socotaa waxaan ku dhahay waqti inaan kaligeey qaato ayaan rabaa madaxa soo dagsado, hal isbuuc ayaan kaa maqnaan doonaa. Waxa ay dhahday waxa aad heesataa 3 maalin jawaab aan kaa helo.

Haye ayaan ku dhahay, maalinkii danbe ayaan waxaan arkay walaal keed oo ku dhahay hal dalaaqo ayaan ku furay walaashaa usheeg. Markii arinka ay maqashay ayey ooyin iyo qeylo isku dartay oo uu waaga ku baryey. Hase a haatee waa qof raba inuu wax waliba xumaan ku raadiyo kuna helo.

Hadda waxaan daganahay xaafad ii gooni ah, waxa aana dareemayaa nasasho, iyod degenaan.

Dumarka ma ahan kuligood isku mid balse waxaa la doonayaa ayaa ah in dumarka ragooda xushmeeyaan, soo dhaweeyaan, hadal dagan kula hadlaan, had iyo jeerne ay wixii talo ah ka qaataan, iyagane usheegaan wixii aysan sameen Karin.  Guurka waa lagu nastaa maahee lagu daalo. Dumaroow guri adinkaa dumin kara, sidoo kalena adinka ayaa dhisi kara sidaa darteen furiinka inta badan waxaa sababa hablaha.

Fiiro gaar ah: aragtidaada xor ayaa u tahay, hoos noo gu soo qor wixii ra’yigaada ah.

Xuquuqda qoraalkan waxaa iska leh tahniyad.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here