Gabar wiil aad u jeclaatay maxay ku dhahday?

0

Waxaa jirtay gabar wiil aad u jeclaatay si xad dhaaf ah. Wiilkii ayey waxa ay ku dhahday maalin maalmaha ka mid ah.

Haddii aan kuu sheego in aan kaa helay adiga, taas ma waxa aad u qaadan doontaa in ay tahay kaftan mise?

Wiilkii waxa uu gabadhii ku dhahay haa waan u qaadanayaa kaftan haddii sidaas i tiraahdo.

Gabdhii ayaa tiri sabab maxaad ugu qaadanaysaa?

Wiilkii ayaa ku jawaabay sidaan oo ku yiri gabadhii

“Maxaa yeelay waan ogahay in aadan adiga iga helinin balse aad i jeceshay”

Muhiima qisadaan kooban ayaa ah in gabdhuhu ay yihiin kuwo aad u xishood badan oo aanan si toos ah u sheegan karin jaceyl kooda. Sidaa darteed ragga ayaa iya guna fahma sarbeebta gabdhaha sidaasne jaceyl kooda meeshaan ugu curtaa. Haddaba gabdhaha waxaan leeyahay inta badan wiilasha qaar ma fahmaan hadalka sarbeebta ah.. ee haddii aysan idin fahmin si TOOS ah markaas ugu sheega.

Kadhiibo aragtidaada…

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here