HELITAANKA KALSOONI BUUXDA WAA HOGAANKA GUUSHA

0
daacad

Isku kalsooniddu waxay ka tarjumaysaa guud ahaan qofka aragtidiisa shakhsi ahaaneed iyo qiimihiisa gaarka ah. Waa go’aan ka yimaada maska fayoow oo qabyaaladda iyo qurunka ka Madax banaan.

Isku kalsooniddu waxay si khaas ah u adeegsan kartaa cabbir gaar ah (tusaale, “Waxaan rumeysanahay inaan ahay qoraa wanaagsan, taasi waxa ay igu dhiirigelineysaa sida aan u soo jiidan karo Qof walba Mowduuca uu Xiiseynayo aniga oo u Xulayo,

Si taas lamid ah ayey u baahantahay Howlaha kale ee Nolosha la Xiriira, waxaana Wanaagsan in aad Kalsooni ku Qabto waxa ay Naftaadu garaneyso ee aadan u hanqaltaagin aqoon aadan laheyn.

Mararka Qaar Siyaasiyiintu wey ku guuldareysan karaan hadafkooda balse ma aha in ay Guuldaradaasi ku hogaamiso in uu iska Daba galo Shaqsiyaad Waligood aan ka bixin Riyo Maalmeed aan Dhamaaneyn.

Si kastaba ha ahaato ee Kalsoonida Qofka waxa ay aakhirkiisa dhaxalsiisaa guulo soo degdega isaga oo mar walbana ku jira nolol farxad leh oo ka fog Cabsi iyo Shakiba.

Sharma’arke Abdi Hassan

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here