Jaceyl ku waa sida qaanso roobaadka aad ayuu u kalar badan yahay.

0

Mar ayaa wiil waxa uu gabar ku yiri….. Jaceylku waa sida qaanso roobaadka, waa mid kalaro kala duwan leh, sidoo kale dadka waa uu ka dhoolo cadeysiiyaa. Jaceylku waa sidii bad weynta oo kale, waa qoto dheeryahay waana qurux badan yahay, jaceylku waa sida qoraxda oo kale, waa iftiimaa waane lagu diirsadaa, jaceylku waa sida roobka oo kale waa nagaansho waane lagu nastaa, sidaa tarteed ma ii ogolaa naysaa in aan ku tuso jaceylkaas?

Gabdhii iyadoo madaxa luxeysa oo dhoola cadayneysa ayey ku tiri wiilkii MAYA.

Wiilkii hoos ayuu fiiriyey asigoo murug ka muuqato kadibne waxaa dhegihiisa ay maqleen gabdhii oo dhaheysa hadalkaan ” Waxaan rabaa in aad adiga i tustid jaceyl kaada”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here