Maseer ka badan malagu tilmaami karaa calaamad jaceyl?

0

Dhamaanteen rag iyo dumarba waxa aan mararka qaar dareenaa maseer, marar uu maseerka saxyahay iyo marar kale oo maseerka faraha ka baxo.

In aad maseer la dareemo waa wax caadi ka ah labada qof uu xiriirka ka dhaxeeyo. Laakiin markii aan maseerno sida aan u dhaqano ayaa ubaahan in xisaabta lagu darsado. Haddii gabadha ama wiilka aad is jeceshihiin uu adeegsado xanaaq iyo maseer wada socda si uu kaaga joojiyo in aad la hadasho wiilasha ama gabdhaha kale, ama xitaa in aad aragtid saaxibadaada caadiga ah, run ahaantii tani kuma saabsana jaceyl balse waa cadaadin ama waa xukumid.

MASEERKA GOORMUU CAADI YAHAY AMA FIICAN YAHAY?

  • Maseer dareemid:- Marka gabadha aad jeceshay ama wiilka aad jeceshay aad ku aragtid asi ama iyadoo u muuqato in ay waqti cajiib ah la qaadaneyso nin ama naag kale oo qurux badan, isku day in aad gacaliyahaada ama gacalisadaada aan u sheegtid sida aad dareemaysid adigoo si dagan ugu sheegaya in aadan jecleysan in aad ku aragtid naag kale ama nin kale oo sidaan oo kale u wada sheekeesanayaan.
  • Haddii aadan dareensaneenid inaad ku kalsoon tahay asiga ama iyada, u sheeg oo dareensii in aadan damaanad buuxda aadan ka heesanin in uu qof kale kula shukaansado sidaa darteen u sheeg sida saxdaa oo aad dareemaysid.
  • In aad adiga aad aqbashid oo wiilka ama gabadha aad jeceshahay uu dooran karo saaxiibadooda qaaska ah ama kuwa ay la hadli karaan qofkastoo oo ay iyagu rabaan. Sidaa darteene aad usheegtid in aysan jeceylkooda aysan marnaba ku qaldin nolosha kale ee caadiga ah.

MASEERKA MARKA UU XADKIISA DHAAFO?

  • In markasta la isku dayo in qofka dhan aad rabto adi bas inuu kula hadlo waqtiyadoo dhan
  • Si joogto ah in aad rabtid in aad ku ogaato meesha qofka joogo iyo dadka uu la joogaba.
  • Xakameynta noloshaada bulshada aad ku dhex leedahay ama kuwa aad la hadasho
  • In uu adiga ku dareesiiyo in aad xuntahay markii aad booqaneysid qaraabada ama saaxibadaada.
  • Maantoo dhan in  fariimo laguu soo diro si loo ogaado waxa aad markaas aad sameyneysid
  • Si joogto ah in laguu gu eedeeyo hebel ama heblaayo maxaad ula hadashaa wax miyaa idin ka dhaxeeyo, sidoo kale in lagaa joojiyo shaqada, waxbarashada ama in aad sameysid waxyaabaha aad jeceshahay.
  • In laguu sheego cidda ama qofka aad la hadli kartid iyo qofka aadan la hadli Karin
  • In lagugu dhibaateeyo ama lagu caayo sabab darteen in aad ka maseersiiyey oo kaliya.
  • In la aqriyo fariimahaada facebook, what’sapp ama viber kadibne loo adeegsado in adiga lagu dhibaateeyo oo buuq iyo dagaal meeshaas laga bilaabo.

Dabeecaddaani waxaa lagu tilmaami karaa qofkii qof uu jecel yahay kula dhaqma in aysan jaceyl aheenin balse ka tahay “xukumid”, sideedane qof aad jeceshahay in aad xukunto iska daayee, in aad dareesiiso dhib yar waloow ba xabad tinoo jirka ku dhacday ha ahaatee ma ahan.

Labada qof ee is jecel midna xaq uma lahan in uu kan kale xukumo, qofka uu la hadli karo iyo kan uusan la hadli Karin, qofka uu la saaxiibi karo iyo kan uusan la saaxiibi Karin. Noloshadaada Bulsho nimo waa in  aadan u joojin saaxiibkeeyaa maseeraa darteen.

Waxaan qoraalka kusoo koobayaa, horta dadka jaceylka dhabta ah qaba inta badan waxa ay ka maseeraan waxyaabo nacasnimo ah oo aad u yar yar markii si dagan loo eegana xittaa ilmaha labo jirka ah waxaas oo kale iskuma dagaalaan. Sidaa darteen jaceylku waa kalsooni waxaa loo baahan yahay in aadan waxkasta aadan ku cabirin jaceylka qof kuu qabo adiga.

Meeqaa ku kala tagtay oo isku weysay maseer farabadan, xanaaq aan kala joogsi laheenin, labada qofna marwalba mid ayaa u maseera si nacas nimaa taas oo keenta in xitaa qofkaas waxa looga maseerayo ma ahan waxdhab ah kaliya aboowe heeloow iyo abaayo heeleey meel cidlo ah ayey ka maseereen taas oo akhirna keentay in qofka lagu naco maseerka faraha badan sidaasne xiriirka loogu jaro.

Dumarka iyo ragga Soomaliyeedoow, hadii aad ruux dhab u jeceshahay, dareensii qofka adigoo maseer torobaa furin iyo xanaaq, hana isku dayin in aad qofka nolashiisa aad sidii baabuur aad leedahay oo kale xakameesid… uma fiicna jaceylka arinkaas.

Nolasha waxa ay ku macaantahay kalsooni dhaba, is ixtiraam, dareensiin qofka in aad adiga aad uga taxadareesid, qalbigane aad u ilaali naysid, taas ayaa keeni karta in jaceylkaada guuleysto…

Fadlan lawadaag asxaabtaada kale si ay iyagane uga faa’iideestaan. Mahadsanid

Xuquuqda qoraalka waxaa iska leh: Tahniyad.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here