Sheeko: fur waryaa…fur naagta inta aan balaayo nagu dhicin….

0

Wax walba oo Qofka Aadamaha ah ku dhacaya ama Soo wajahaya Noloshiisa waa mid Xag Alle ka Timaada. Dadka Soomaaliyeed Qaar ayaa wali ku dhagan oo aaminsan Caado Dhaqameed xun, kuwaas oo qaba in Nasiibka Qofku uu ka mid yahay waxyaabaha dhacaya iyaga oo aaminsan in haddii uu reerka Qof ku soo biiro uu ku soo kordhin karo waxa uu Nasiibkiisu yahay SHAR iyo KHEYR.

Maamo lagu magacaabo Seynab ayaa aad iiga yaabisey kadib markii ay iiga Sheekeysay waxa ay kala kulantey Guri igu dhow oo ay kasoo baxdey markaa, waxa ayna Sheekada ku biloowdey.

“Reerkan dariskaaga ah ayaa markaan salaamey ee aan ku fariistey Kursi la ii keeney aniga oo aan weli Kabanin Koob Shaah ah oo la ii soo shubey ayaa Cunug yar oo reerku ay dhaleen Gacanta Mindi isaga Qaley, markaa ayaa Odeygii reerka oo Careysan i soo kor istaagey siddii aan anigu Cunuga mindida ku Qaley , waxa uuna si Kulul iigu yiri Adiga ka hor waa fiicneyn , Saantaada nooma Wanaagsaneyn , ee hadda Waa dhownahay ee naga tag intii wax ka Weyn nagu dhicin” Maamada oo Wajigeeda laga garanayo yaxyaxii ku soo dhacey ayaa sii raacisey.

“Bal walaaley arag ninkaas Weyn ee Odeyga reerka ah sida uu iila hadley”. Waxaan soo xasuustey Wiil iyo Gabar hadda ka hor lagu kala furey arintan oo kale iyaga oo uu ka dhaxeeyey Jacayl weyn iyo Kalacal ay isu qaadeen Caashaqana Wakhti fiican ay isku barteen soo wadaagey. Labadaas Mucaashaq ayaa gabadha reerkoodu ay u diideen in ay is guursadaan Wiilka. Kadib iyaga oo tixgelinaya Xubiga ka dhaxeeyey ayaa ay isula baxeen Masaafo ay isku soo mehersadaan. Gabadhii waxa ay u bareertey in ay reerkooda ku gacan seyrto ayna u soo go,do Wiilka ay Jaceylka weyn isu hayaan , taas oo ka doorbidey reerkooda lamaanaheeda ay Cishqiga baaxada leh u heyso.

Habeenkii ugu horeeyey ee ay u wada hoydaan Guriga Jaceylkooda reerkiisana si fiican u soo dhaweeyeen iyada oo markaa ay socoto Xaflad loo dhigey Meherkooda, dadkana lagu war galiyey in Toddobaadka Danbe Aroos aan la arag loo dhigi doono maadama lagu sharfayo Sida gabadhu ay ugu go,dey Jaceylkeeda oo ay reerkoodii ka dooratey ayaa hal mar Qaylo isqabsatey. Jid Cade guriga ka soo horjeedey ayaa Baabuur Xaajiyo ah ku dhuftey Wiil yar oo reeka ah, lana dhashey wiilka arooska kaas oo lug iyo gacan ka Jabey. Markaa ayaa Wiilka Arooska hooyadii Baroor iska Qabsatey..waxa ayna ku Dhawaaqdey Naagta iga soo bixiya..

Naagta iga Soo bixiya inta aan Dhawahay ee Wax ka weyn igu dhicin..intaan Dhawahay i soo dhaafiya waa in la furaa..fur waryaa…fur naagta”. Dhulka ayey isku garacdey waana ay degi weydey ilaa loo sheego in gabadha la furayo, waxa ayna istaagtey in ay halis ku jiraan inta uu maherkeeda hayo. Haddaba Waxaa wanaagsanaan laheyd in laga gudbo Caadooyinka Xun-xun oo lagu Qanco Qadarta Alle ee aan loo qaadan in uu Qof keeni karo amuuraha dhinaca Rabigeeni ina Abuurey Ka imanaya.

W.Q. Nasro Cismaan Maxamed (Baxnaan).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here