Sheeko xiiso leh

0

SHEEKO CAJIIB AH
………………………………………………….

Nin Reer baadiye eh ayaa Dameer ka lumay, Dameerkii siduu u raadinaayay ayuu Magaalo yimi, Magaaladii markuu yimi ayuu waayay cid marti galisa kadib Huteel baa la geeyay.

Qolkii la geeyay ayuu ka yaabay quruxdiisa iyo sida ay
Sariirtu u Goglantahay iyo isaga dharkiisu siduu u wasakheysan yahay ,Waxuu go’aansaday inuu Sariirta
hoosteeda seexdo al-baabkiina muu xidhin.

Wiil iyo gabadh is wata ayaa hadana yimi Huteelkii ninkii Huteelka masuulka ka ahaa waxuu dajiyay isla qolkii ninka Reer Baadiyaha ahaa la dajiyay inuu, iska tagay ayaa loo maleeyay maadaama qolkii iska furanyahay sariirtiina uu san ku jiifin.

Sidii ayeey qolkii ku dageen labadii qof sheekadii iyo haasawihii markey bilaabeen ayuu Wiilkii gabadhii ku yidhi macaaneey markaan ku arko adduunka oo dhan ayaa la i horkeenaa jaceeylka dartii.

Ninkii reer baadiyaha ahaa intuu hadalkii maqlay ayuu sariirta kasoo hoos baxay’ kulahaa walaaloow hadii adduunyada dhan lagu horkeeno Dameer kaygii ma aragtay?kkkkkkkkkkkk

Agronomist Abdishakuur

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here