Sheeko Xiiso leh

0

Nin ganacsade ah oo xoolo badan haysta oo aan garanayo ayuu nin lacag lahaan jiray xilligiisana dadka ehelka ah gacan u fidin jiray laakiin haatan daruufaysan oo ay qaraabo dhow yihiin u Soo shaxaad doontay.
Hadalladii uu ku yiri intii dhegeheyga Soo gaartay waxa ka mid ahaa ” haddaad ilmo hebel tihiin culeys ilaahey nagu salliday oo mashaqeystayaal ah baad tihiin, konton sano ayaad magaalada dhex taagneydeen dadkii idinla midka ahaa waa kuwaas adduunka u kala socdo,habaar ayaa idin haysta, si kasta oo xoolo u heysto niman ila xoog eg ma biili karo ee dadkaas soomaalida ah aan kuula sinnaado”.
Maadaama aan labadoodaba si fiican u aqaannay tixdan ayaa igu Soo dhacday.

Ninku tamashle kibir iyo?
Tiiqtiiqsi badanaa?
Tabaryaraha Soo biday
Ku sii taagsi badanaa?
Lacagi waa tuf jaanoo
Inuu taabo mooyee
Nimaan nolol tahleenoo
Aan tallaabo qaadeen
Tuqsigana ka qurun badan
Maxay toosisaayoo?
Taakulo u fidisoo?
Weligeed tayeysaa?
Nin tadha’ay tabtiisii
Wallee waad u taallaa
Koley hadalka kaa tegay
Waa gef toban jibbaarane
Towbad eebbe mooyee
Yaa kaa tirtiri Kara?
Midka tuugsanaayiyo
Adigaas tanaadka ah
Turaabtaa u hooyaa
Waa isugu tegeysaan
Waana Kaba timaadeen
Tarabuunka aakhiro
Marka la isa Soo tubo
Waxa lagu tartamayaa
Maaha tookha beenta ah
Iyo doollar tiradii
Ee riximka loo turo
Iyo waa taqwiyo diin
Weligaaba taantaan
Toddobaatan dabaq fuul
Toyotooyin badan keen
Tolka hoose kala gee
Taajirnimo ku faan faan
Tirsan maalmahaagii
Madal baana kuu taal
Taariikhda faallee
Qaaruun tijaarkii
Markii malaggu tebay ee
Toogadiisa loo wacay
Xoolihii wax uma terin
Adiguna tabtiisii
Armaad toobad-seeg iyo
Talo xumo ku dhimataa?
Ama dunida taws iyo
Tashwiish lagama waayee
Armaad turunturootaa?
Xooluhu tasoobaan
Dabadeed turaal iyo
Taageero weydaa?

Abwaan Boot Halane

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here