Wiil aabihiis oo waayeel ah keenay maqaayad cunto kadibne maxaa xigay?

0
waayeel

Wiil dhalinyaro ah ayaa aabihiis oo waayeel ah waxa uu usoo ka xeeyey maqaayad si uu casho aabihiis uga soo siiyo. Markii ay soo gaareen maqaayada ayaa aabihiis oo waayeel ah daciifna ah ayaa cuntadii uu cunaayey waxa ay uga daadatay shaatigiisii iyo surweelka uu ku la bisnaa.

Maqaayada waxaa fadhiyey dadkale oo wax ka cunaayey, markii ay arkeen odeyga sida uu isku haleeyey ayey dhibsadeen oo indho kulul kusoo wada eegeen.

Markii wiilka iyo aabihiis cuntadii dhameysteen, wiilkiisii oo dhib u arkin sida aabihiis dharka iskaga haleeyey, ayuu aabihiis si dagan waxa uu ugu kaxeeyey suuliga maqaayada ay leedahay. Waxa uu soo nadiifiyey aabihiis oo uu ka soo dhaqay cuntadii, iyo suugadii dharka kaga daatay, sidoo kale uu u soo shaleeyey timaha aabihiis, kadibne waxa uu aabihiis ka soo saaray suuliga asoo nadiif ah oo dhal-dhalaaya, sidoo kale u soo toosiyey oo kiyaalihiisa.

Markii ay ka soo baxeen suuliga, dhamaan dadkii cuntada ka cunaayey maqaayada, waxa ay indhaha ka qaadi waayeen sida wiilka aabihiis usoo galay, iyagoo markaas aamin sanaa in wiilka aabihiis iyo asiba ay sidaan dhan iskugu ceebeeyaan si cad.

Wiilkii waxa uu toos u aaday meeshii lacagta lagu bixin lahaa, si uu siiyo lacagtii ay cashada ku cuneen. Kadibne waxa uu gacanta qabsaday aabihiis si ay uga baxaan maqaayada. Intii aysan irida dhaafin ayaa oday kaloo waayeel ah u dhawaaqay wiilkii oo ku yiri “Miyaadan u malaynaynid in aad wax kaadanbeeya aad ka tagtay” willkii ayaa ku yiri maya adeer.

Odaygii ayaa yiri wiilkaygiyoow HAA dhab ahaantii waxaad halkaan uga tagtay cashar lama iloobaan ah oo wiilkastoo halkaan fadhiya ku waano qaato, aabe kastoo halkaan fadhiyane rajo galiya.

Xuquuda qoraalka: Tahniyad.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here